Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hal qof oo ku dhintay qarax ka dhacay Muqdisho


Muqdisho
Muqdisho

Inta la ogyahay 1 qof ayaa ku geeriyooday 2 kalana wey ku dhaawacmeen kadib markii saakay Isgoyska Taleex ee agagaarka KM4 uu ka dhacay qarax Miino.

Qaraxan ayaa isagoo ku jira jawaan waxaa la dhigay meel Wadada hareerteeda ah oo ay gawaarida nadaafadu ka qaadaan qashinka.

Miinada ayaa qaraxday kadib markii shaqilihii howshaasi hayey ay jawaanka saareen gaariga taasoo keentay dhimashada 1- qof oo ahaa wadihii gaariga qashinka lagu qaado halka sidoo kalana ay ku dhaawacmeen labo qof oo rayid ah oo goobta ka agdhawaa.

Ciidamada Dowlada Fedraalka Soomaaliya oo goobta soo gaaray ayaa muddo kooban wadada xiray iyagoo baaritaanana ka sameeyey halkaasi.

Laamaha Amniga Dowlada ayaan ilaa iminka ka hadlin qaraxaasi mana jirto cid sheegatay Masuuliyadiisa.

XS
SM
MD
LG