Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Duqeyn ka dhacdey Bari, Puntland


Duqeymo dhinaca cirka ah ayaa la soo sheegayaa in ay ka dhaceen deegaanka Cameyra ee degmada Iskushuban ee gobola Bari, halkaasoo la rumeysan yahay inay ku sugnaayeen kooxo katirsan ururada Daacish iyo Al-Shabab oo horey dagaal uu ugu dhex marayey dhulka buuraleyda ah.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la soo xiriiray VOA sheegay inay galabta maqlayeen ugu yaraan 4 qarax oo xoog weyn oo ka dhacayey buuraleyda deegaanka Cameyra.

Ka hor inta aysan qaraxyadan dhicin, ayey dadka deegaanka sheegeen inay maqleen guuxa diyaarado hawada deegaanka dul heehaabayay.

Majirto cid xaqiijisay khasaaraha ay duqeymahaasi ka geysteen goobaha lala beegsaday, mana jirto wax war ah oo illaa hadda maamulka Puntland ka soo saareen duqaymaha ka dhacay gobolka Bari.

14 bishii April ee sanadkan ayay aheyd markii meel u dhow tuulada Xiriiro ee degmada Iskushuban duqeyn cirka ah lagu dilay Cabdixakiin Dhuqub oo ahaa ku xigeenkii madaxa maleeshiyada Daacish ee garabka Soomaaliya.

Warkii ugu dambeeyay duqeynta Puntland ka dhacdey
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:11 0:00



XS
SM
MD
LG