50 sano ka hor maanta oo kale, waxaa Soomaaliya xukunka la wareegay milatariga uu hoggaaminayey madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Siyaad Barre.
Haddaba Haaruun Macruuf ayaa Maxamed Siyaad Barre iyo waxa lagu xusuusan doono ka waraystay Prof. Cali Jimcaale oo ka mid ah taariikhyahannada Soomaaliya, si dhowna ula soo shaqeeyey Maxamed Siyaad Barre.
Wareysigan ayaa qeyb ka ah barnaamijka Galka Baarista ee berry baxaya oo la xiriira afgambigii dalka ka dhacay 21-kii October 1969-kii.
Haaruun Macruuf ayaa Prof. Cali Jimcaale ugu horrayna weydiiyey goorta uu billaabay inuu la shaqeeyo.
Facebook Forum