Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhuusamareeb: Dad ku Dhintay Shil Gaari


Laba ruux ayaa ku geeriyootay saddex kalena way ku dhaawacmeen kadib markii gaari ay la socdeen uu ku rogmaday duleedka magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Gaariga oo kusii jeeday deegaanka Xanan Buure ayaa la sheegay inuu ka ambaxay magaalada Dhuusamareeb. Dhamaan dadkii ku dhintay shilka iyo kuwa ku dhaawacmay ayaa ahaa rakaabkii gaariga saarnaa.

Dadka dhaawaca ah ayaa hadda lagu dabiibayaa cisbitaalka Dhuusamareeb iyadoo la sheegayo in dhaawacyada qaar ay culus yihiin.

Shilalka soo noqnoqday ee gawaarida ayaa loo sababeeyaa burburka waddooyinka ee gobollada dalka oo aan wax dayactir ah heli intii ka dambeysay 1991 kii.

XS
SM
MD
LG