Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hanti-dhowrka: Lacago aan la xisaabin ayaa maqan qasnadda dowladda


Afgooye
Afgooye

Xafiiska Hanti-dhowrka Qaranka ayaa soo saaray warbixin ku saabsan baaritaan maaliyadeed oo ay ku sameysey heyadaha dowlada.

Warbixintan oo uu ku saxiixnaa Hantidhowrka Guud ee dowlada Maxamed Maxamuud Afgooye ayuu ku sheegey in waxyaabaha ugu muhiimsan ee baritaankooda ay ku ogaadeen ay tahay in isticmaalay daqli la soo ururirey iyadoo aanan sharciga loo marin.

Sidoo kale waxa uu sheegey in hubinta lacagaha ee heyadaha dhexdooda uu yahay mid liita.

Waxa uu sidoo kale xusey in qaar ka mid ah qasnadaha dowladda aysan qeyb ka aheyn warbixintan maaliyadeed, iyadoo hey’adaha qaar aysan soo gudbin xisaab-xirkooda sanadlaha ah.

Warbixintan hantidhowr-ka iyo wareysi aan la yeelanay Prof Yaxya Caamir oo arrintan ku saabsan hoos ka dhageyso.

Hanti-dhowrka: Lacago aan la xisaabin ayaa maqan
please wait

No media source currently available

0:00 0:12:29 0:00


XS
SM
MD
LG