Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hawlaha garoonka Muqdisho oo caadi kusoo noqday


Hawlaha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa la sheegay inay caadi kusoo noqonayaan kadib markii goor hore ay diyaarad ku degtay candhada dhabbaha diyaaradaha ee garoonka Aadan Cadde.

Ilaa hadda ma cadda sababta keentay inay diyaaraddan ay taayarradu u bixi waayaan. Diyaaradda ayaa xammuul gaysay magaalada Diinsoor, waxaana la sheegay inay dib ugu soo laabanaysay magaalada Muqdisho.

Wararku waxay intaas ku darayaan in shaqaalaha garoonka ay ka shaqaynayaan sidii diyaaradda looga wareejin lahaa dhabbaha ay diyaaraduhu soo caga-dhigtaan.

Diyaaraddan ayaa ah nooca xammuulka, waxaana ay u rarnayd mid ka mid ah shirkadaha gaarka ah loo leeyahay.

Waxaa hadda socda baaritaanno ku saabsan sida ay wax u dhaceen.

XS
SM
MD
LG