Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud ayaa maanta booqasho ku yimid Soomaaliya.
Guddoomiyaha oo kasoo degay Muqdisho ayaa waxa uu isla markiiba uu safar ugu kicitimay magaalada Baydhaba isagoo uu weheliyo Guddoomikyaha aqalka hoose ee Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
Xaamud ayaa sheegay inuu Baydhabo u yimid ka qeyb-galka kalfadhigga labaad ee baarlamanka Koonfur Galbeed.
Warbixintan waxaa magaalada Baydhaba nooga soo diray Mukhtaar Maxamed Catoosh.