Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Cabdirashiid Janan oo Maxkamad Hor Yimid


Wasiirkii Amniga ee Maamul Goboleedka Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Cabdirashiid Janan) ayaa maanta ka hor yimid maxkamad ku taalla magaalada Muqdishu, sida ay bahaisay warbaahinta rasmiga ah ee dawladda Soomaaliya.
Cabdirashiid Janan ayaa la qabtay 1-dii bishii Sebtember isaga oo kasoo degay garoonka diyaaradaha ee Muqdishu. Booliiska ayaa ku eedeeyey in loo haysto “eedo culus”.
Hay’adda Xuquuqda Aadamaha ee Amnesty International ayaa ku tilmaantay xadhiga wasiirka tallaabo wanaagsan oo loo qaaday dhinaca la xisaabtanka dadka gaystay dambiyada ka dhanka ah xuquuqda aadamaha.

War-saxaafadeed ka soo baxay Amnesty bishii hore ayaa lagu sheeegay in Cabdirashiid Janan loo haysto “dambiyo ka dhan ah bini’aadmanimada, iyo in uu kaalmada iyo muwacaanada samaflka ah is-hortaagay”.

Maamul goboleedka Jubbaland ayaa qabashada Cabdirashiid Janan ku tilmaamay “afduub”.

XS
SM
MD
LG