Wasaaradda beeraha Somaliland ayaa 1,100 qoys oo beeralayda gobolka Togdheer ka mid ah u qaybisay abuurka ama seedka in ka badan shan nooc oo ka mid ah khudaarta iyo dallagyada la beerto.
Arrintan ayaa kusoo eedeysa xilli ay roobab waa weyni ka da’een Somaliland, taasi oo beeraleyda ay ka faa’iideysan karaan.
Warkan waxa Hargeysa ka soo diray Khadar Maxamed Cakule