Magaalada Muqdishu waxaa maanta lagu soo geba gebeeyey shirka caalamiga ah ee Iskaahsiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, kaasi oo la sheegay inay ka qaybgaleen wakiillo matalaya ilaa 50 dawladood.
Si kastaba maamulka Puntland ayaa qaadacay shirkaas, kadib markii ay sheegeen in ay la dhici waayeen sida wax u wado dowladda Soomaaliya.
Madaxweynaha Puntlad Siciid Cabdullaahi Deni ayaa habeenimadii xalay ka hadlay shirkaasi iyo weliba qodobo kale oo ku saabsan mashaariicda horumarinta ee Puntland.
Faadumo Yaasiin Jaamac ayaa warbixintan nooga soo dirtay Boosaaso.
Facebook Forum