Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jubaland oo qaadacday shirka ka furmay Muqdisho


Jubaland
Jubaland

Maamulka Jubbaland ayaa qaadacay shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Calaamka oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Wasiirka maaliyada maamulkaas Cabdirashiid Jire Qalinle ayaa sheegay in magaciisa inuu ku jiro liiska dadka ka hadli doono shirka uu ku arkay baraha bulshada, balse aysan jirin cid kala soo xariirtey inay ka qebgalayaan shirka iyo in kale.

Cabdirashiid Jire ayaa sheegay in maamullada qaarkood shirkaasi lagu casuumay laakinse Jubaland aan si rasmi ah loogu casuumay shirka ayna qaadacdey shirkaasi.

Ayada maamulka Puntland oo la qaatay fikirka qaadacaadda shirka, ayaa wasiirka waxa uu sheegay inaysan jirin wax wada hadal iyo wada tashi ah oo ay arrinkaasi ka yeesheen labada maamul.

Cabdirashiid Jire, ayaa khadka telefoonka ee Kismaayo ugu waramay Sahra Cabdi Axmed.

Jubaland oo qaadacday shirka ka furmay Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:24 0:00


XS
SM
MD
LG