Magaalada Muqdishu waxaa maanta ka furmay shirka caalamiga ah ee Iskaahsiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, kaasi oo la sheegay inay ka qaybgalayaan wakiillo matalaya ilaa 50 dawladood.
Waxyaabaha xoogga lagu saaray shirka waxaa ka mid ahaa amniga iyo la dagaalanka maleeshiyada Al-Shabaab, Cadaaladda iyo dhaqaalaha.
La-dagaalanka Al-Shabaab ayaa si gaar ah aad loo dul istaagay, maadaama amniga uu yahay caqabadda ugu weyn ee haysatay dowladnimada Soomaaliya.
Wasiirjka Gaashandhiga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed ayaa weriyahayaga Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle uga warramay caqabadaha xilligan jira ee la dagaalanka Al-Shabaab.