Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Danab: "Waa la laayey Shabaabkii soo weeraray Ballidoogle"


Ciidamada Soomaaliya
Ciidamada Soomaaliya

Mas’uuliyiinta dawladda Soomaaliya ayaa sheegay in tiro badan oo ka tirsan ururka Al-Shabab lagu dilay weerarkii maanta lagu qaaday garoonka Ballidoogle.

Taliyaha Danab Gaashaanle Cabdiraxmaan Cumar Warsame Jeeni-qaar oo la hadlay idaacadda VOA ayaa sheegay inaan waxba ka badbaadin maleeshiyada Al-Shabaab ee weerarka kusoo qaaday Ballidoogle. Taliyaha ma uusan sheegin tiro sugan.

Dhinaca kale, Al-Shabaab ayaa iyaguna sheegtay inay weerarkaasi ku qaadeen saldhigga iyaga oo adeegsanaya baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa iyo weliba maleeshiyaad hubaysan.

Al-Shabaab waxay sheegtay inay dileen ilaa 100 askari, taasi waxaa beeniyey mas’uuliyiinta Soomaaliya.

Taliyaha Danab Gaashaanle Cabdiraxmaan Cumar Warsame Jeeni-qaar ayaa sida ay wax u dhaceen uga warramay Haaruun Macruuf.

Danab: "Waa la laayey Shabaabkii soo weeraray Ballidoogle"
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:42 0:00


XS
SM
MD
LG