Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Talyaaniga oo qarax lagula eegtay Muqdisho


Ciidamada Talyaaniga
Ciidamada Talyaaniga

Qarax baabuur ayaa maanta Muqdisho ku bartilmaameedsaday kolonyo milatri ah oo ah ciidamo Talyaani ah oo maraysay meel u dhow Kulliyadda Jaalle Siyaad.

Qoraal kooban oo wasaaradda gaashaandhigga Talyaaniga ay soo dhigtay barta twitter-ka ayay ku sheegtay in qaraxaas lala eegtay laba baabuur oo ay saarnaayeen ciidamo kasoo laabtay tababar ay siiyeen ciidamada Soomaaliya.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in wax khasaare ah uusan soo gaarin ciidamada Talyaaniga.

Qaraxaas ayaa la xaqiijiyey inay ku dhaawacmeen saddex qof oo shacab ah.

Warbixintan waxaa Muqdisho kasoo diray weriyaha VOA-da Xasan Kaafi Qoyste.

Ciidamada Talyaaniga oo qarax lagula eegtay Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:39 0:00


XS
SM
MD
LG