Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Yamamoto oo ka hadlay weerarka Ballidoogle


Donald Yamamoto

Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa soo saaray war -axaafadeed ku saabsan weerarka Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhigga garoonka Ballidgogle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Yamamoto ayaa qoraalkiisa ku sheegay in dowladda Maraykanka ay cambaaraynayso weerarkaas iyo mid kale oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Safiirku waxa uu sheegay in ciidanka Soomaalida ee ku sugan Ballidoogle ay ahaayeen kuwo feejigan ayna ku guuleysteen inay ka hortagaan weerarka.

Waxa uu sheegay inaanay khasaare soo gaarin ciidanka Soomaalida.

Wararka ay VOA heshay ayaa sheegaya in laba qarax lagu weerayay garoonka oo saldhig u ah ciidamada Maraykanka ee tababara ciidamada dawladda Soomaaliya.

Ururuka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas'uulliyadda weerarka. Al-Shabab waxay sheegtay in ka sokow qaraxyada ay maleeshiyadooda weerareen saldhigga.

Idaacadda ku hadasha afka ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa iyaduna sheegtay in ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa Maraykanku ay iska difaaceen weerarkii ay Al-Shabaab kusoo qadday saldhigga Ballidoogle.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG