Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo weeraray saldhigga garoonka Ballidoogle


Shabaab
Shabaab

Wararka ka imanaya Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in laba qarax lagu weerayay garoonka diyaaradaha Ballidoogle oo saldhig u ah ciidamada Maraykanka ee tababara ciidamada dawladda Soomaaliya.

Wararka aanu ka helnay ilo dhinaca amniga ah waxay sheegayaan in saldhigga lagu weeraray laba baabuur oo laga soo buuxiyey qarxayo.

Ururuka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas'uulliyadda weerarka. Al-Shabab waxay sheegtay in ka sokow qaraxyada ay maleeshiyadooda weerareen saldhigga.

Idaacadda ku hadasha afka ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa iyaduna sheegtay in ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa Maraykanka ay iska difaaceen weerarkii ay Al-Shabaab kusoo qaadday saldhigga Ballidoogle.

Khasaaraha weerarkan ayaan illaa iyo hadda la ogayn.

Weriyaha VOA ee Baydhaba, Mukhtaar Maxamed Catoosh ayaan ka wareysanay weerarka.

Weerar lagu qaaday saldhigga garoonka Ballidoogle
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:45 0:00


XS
SM
MD
LG