Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax lala beegsaday AMISOM


Mid ka mid ah gaadiidka gaashaaman ee AMISOM
Mid ka mid ah gaadiidka gaashaaman ee AMISOM

Kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM ayaa maanta qarax miino lagula eegtay agagaarka cisbitaalka SOS ee magaalada Muqdisho.

Laba qof oo shacab ah ayaa la sheegay inay ku dhinteen rasaas jawaab ah oo ciidanka AMISOM ay fureen qarax kaddiB.

Goobjoogayaal ayaa VOA u sheegay in qarax miino ee loo dhigay ciidanka AMISOM uu haleelay mid ka mid ah gawaaridiid ay wateen oo marayay isgoyska cisbitaalka SOS.

Ciidanka AMISOM ayaa furay rasaas, waxaana goobjogayaal ay sheegeen in rasaataasi ay ku dhinteen laba qof oo rayid ah oo mid ka mid ah ay ahayd haweenay ku ganacsanaysay wadada agteeda.

Ciidamada AMIOSM ee qaraxa lala eegtay ayaa la sheegay inay ka yimaadeen degmada Balcad.

Afhayeenka ciidanka AMISOM oo ay VOA la xiriirtay ayaa sheegay inuusan wax macluumaad ah shilkaas ka hayn.

XS
SM
MD
LG