Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaaliya oo faah-faahisay kulankii Farmaajo iyo Kenyatta


Axmed Cise Cawad
Axmed Cise Cawad

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku kulmay magaalada New York, oo ah goobta uu ka socdo shirka Golaha Guud ee QM.

Kulankan ayaa waxa fududeeyey madaxweynaha Masar Cabdifataax Asiisi, oo hadda haya xilka Guddoomiyaha Midowga Afrika.

Villa Somalia ayaa sheegtay in kulankaas “la isku raacay in xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya lagu soo celiyo heerkii uu taagnaa bishii Febraayo ee sanadkan, lana qaado tallaabooyin diblomaasiyadeed oo lagu dhisayo kalsoonida labada dowladood iyo shacabka.”

Dhanka kale, wasiirka arrimaha dibedda Kenya, Monica Juma ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda twitter-ka ku tiri “Kenya waxay soo dhoweeneysaa kulankan koowaad oo ah tallaabo loo qaaday jihada saxda ah. Kenya waxay mar walba rumeysneyd, ayna sii wadeysaa inay ku baaqdo in wada-xaajoodyadu ay yihiin habka ugu wanaagsan ee dhibaatooyinka Afrika loogu heli karo xal Afrikaan.”

Haddaba, kulankii labada madaxweyne iyo waxyaabaha uu madaxweyne Farmaajo khudbadiisa QM ku soo qaadayo ayaa waxaan ka wareysanay wasiirka arrimaha dibadda Somalia, Axmed Ciise Cawad.

Wariyeheena Cabdixakiim Maxmuud Shirwac oo shirkaas magaalada New York nooga soo waramaya, wasiirkana xalay wareystay ayaa ugu horeyn weydiiyey kulankii Farmaajo iyo Kenyatta.

Dhageyso Kulanka Somalia iyo Kenya
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:44 0:00


XS
SM
MD
LG