Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Saraakiil lagu dilay qarax ka dhacay Muqdisho


Laba sarkaal ayaa ku dhintay, laba kalena wey ku dhaawacmeen ka dib markii gaari ay saaraayeen saaka qarax lagula beegsaday magaalada Muqdisho.

Qaraxaas oo ahaa miino la dhigay waddo dhinaceeda ayaa saraakiisha lala beegsaday xilli ay kusii jeedeen shaqadooda xarunta wasaaradda gaashaandhigga.

Dhinaca kale Gudmoomiyaha Maxkamadda Ciimadama ee Soomaaliya Col Xassan Cali Shuute iyo xubno la socday ayaa iyagana qarax lagula beegsaday duleedka magaalada Muqdisho.

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmi ah ee ka dhashay qaraxaas, balse waxaa la xaqiijiyey inuu ka bad-baaday guddoomiye SHuute.

Faah-faahinta warkan waxaa Muqdisho ka soo dirtay Seynab Abuukar Maxamed.

Saraakiil lagu dilay qarax ka dhacay Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:11 0:00


XS
SM
MD
LG