Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jubbaland oo dib u dhigtay caleemo saarka Axmed Madoobe


Axmed Madoobe
Axmed Madoobe

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in dib loo dhigay xafladii caleemo saarka madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, xafladaas oo dhici laheyd 26-ka bishan September oo ku beegan beri.

War-saxaafadeedka arrintan ku saabsan ee kasoo baxay Jubbaland ayaan lagu xusin waqtiga dib loogu dhigay xafladda ee ay dhici doonto.

War-saxaafadeedka ayaa sababta dib u dhigista xafladda caleemo saarka ku tilmaamay mid ku timid kadib markii “si sharci darro ah xukuumadda federaalka ee Soomaaliya uga hor-istaagtay wufuuddii iyo marti sharaftii kasoo qeyb geli laheyd munaasabadda”, sida war-saxaafadeedka lagu yiri.

Axmed Maxamed Islaam ayaa dib loogu doortay madaxweynaha maamulka Jubbaland, bishii hore ee August, ka dib qabanqaabo doorasho oo ay hareysay xiisad xooggan.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo doorashada aan aqoonsan ayaa markii Axmed Madoobe la doortay ku celisay inay sharci darro aheyd oo aysanna aqoonsaneyn natiijada.

XS
SM
MD
LG