Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sool: Askari lagu fuliyey dil qisaas ah


Sool
Sool

Nin askari ah oo hore loogu eedeeyey inuu gaystay dilka askari kale badhtamihii bishan, ayaa maanta lagu dilay gobolka Sool.

Go’aanka lagu fuliyey qisaasta ayaa la sheegay inay ku heshiiyeen dhinacyada ay khusayso, ee ay kasoo kala jeedaan labada askari.

Askariga la qisaasay oo la oran jiray Maxamuud Iidle Aadan ayaa lagu eedeeyey inuu 16-kii bishan uu Laascaanood dhexdeeda ku dilay askari ay ka wada tirsanaayeen ciidanka asuubta Somaliland, islamarkaana uu dhaawacay qof shacab ah.

Qisaasta maanta ayaa ka dhacday deegaanka Bali-harac ee gobolka sool ,waxaana goob joog ka ahaa cuqaal, culumo iyo waxgarad kale.

Maamulka gobolka Sool ayaan weli ka hadlin askarigan loo qisaasay askariga kale, ee ay ka wada tirsanaayeen ciidanka ee ay ku heshiiyeen beelahoodu.

Warbixintan waxaa Laascaanood kasoo diray Cabdikariim Olol.

Sool: Askari lagu fuliyey dil qisaas ah
please wait

No media source currently available

0:00 0:00:58 0:00


XS
SM
MD
LG