Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xasan Sheekh oo dhaliilay go'aankii lagu xayiray Shariif


Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa dhalleeceeyey go’aankii lagu hor-istaagay safar uu Sheekh Shariif ku aadi lahaa magaalada Kismaayo.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in tallaabada ay dowladda ay qaaddo ay kasoo horjeedo qodobka 21-aad ee dastuurka Soomaaliya.

Xasan Sheekh waxa kale oo uu sheegay in dhacdadaas aysan wax raad ah ku lahayn dowladnimo, islamarkaana sida loola dhaqmay aysan “dadnimo iyo dowladnimo sax ku ahayn.”

Madaxweyne Xasan waxa uu sheegay in dowladda hadda jirta “uu ka muuqdo ififaalo muujinayo inaysan wax xushmad ah u ahayn dastuurka dalka.”

Xasan Kaafi Qoyste ayaa warbixintan kasoo diray magaalada Muqdisho.

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:28 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG