Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sheekh Shariif oo ka hadlay xayiraaddii la saaray


Sheekh Shariif
Sheekh Shariif

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa dhalleeceeyey dawladda Soomaaliya kadib markii shalay laga hor-istaagay in diyaaraddii uu raaci lahaa ay u safarto magaalada Kismaayo.

Shariifka ayaa doonayey inuu ka qayb-galo caleemo-saarka hoggaamiyaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Shir jaraa’iid oo uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho, ayuu ku sheegay in go’aanka lagu xayiray uu ka hor-imanayo xadgudubna ku yahay xoriyadda socdaalka ee muwaadinka.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in xukuumadda talada haysa ay waddo qaldan ku waddo dalka, loona baahan yahay in laga bad-baadiyo.

Dhinaca kale, tiro xildhibaano ah ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Muqdisho ku taageerey tallaabadii Sheekh Shariif iyo xubno ka mid ah xisbigiisa Himilo Qaran looga joojiyey inuu tago magaalada Kismaayo

Hoos ka dhageyso warbixinta shirka jaraa’id ee Shariif oo uu Muqdisho kasoo diray Xasan Kaafi Qoyste, iyo wareysi ay Sahra Cabdi Axmed la yeelatay xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo taageeray xayiraadda Shariifka.

Warbixinta Xasan Kaafi ee Sheekh Shariif
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:49 0:00
Wareysiga xildhibaan Daahir Amiin Jeesow
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:04 0:00

XS
SM
MD
LG