Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maamulka Sh/Hoose oo ka hadlay weerarkii Ceel-Saliini


Guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellada Hoose Cabdifataax Xaaji Cabdule ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey weerar maleeshiyada ururka Al-Shabab ay ku qaadeen saldhig ay ciidamada dawladdu ku lahaayeen Ceel-Saliini.

Weerarkaas oo Al-Shabaabka ay soo qaadeen saacadihii hore ee aroornimadii axadda, ayey ku sheegteen inay ku dileen 23 askari, gaadiidna ku qabsadeen.

Dhinaca kale, ilo-wareedyo kala duwan ayaa idaacadda VOA u sheegay in ugu yaraan 20 askari ay ku dhinteen weerarkaas, Af-hayeen ka tirsan ciidankuna waxa uu sheegay inay dileen 13 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabab.

Caasha Ibraahim oo kula xiriirta khadka taleefanka ee Shabeellada Hoose ayaa ugu horreyn weydiisay Cabdifataax bal inuu marka hore sawir ka bixio degaanka Ceel Saliini ee uu weerarku ka dhacay.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:20 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG