Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Somaliland iyo walaaca isbeddelka cimilada


climate change
climate change

Iyagoo ka werwersan mustaqbalkooda, kana careysan guul darada hogaamiyeyaasha caalamka ay ku guul dareysteen inay si dhab ah ugu istaagaan wax ka qabashada mushkiladda cimilada sii kululaaneysa ee dunida, ayaa kumanaan dhallinyaro ah waxay maanta oo Jimca ah dibad baxyo ka oogeen dalal badan oo ku yaala America, Yurub iyo Asia.

Banaan baxyadan ayaa lagu soo beegay iyadoo toddobaadka soo socda xarunta Qaramada Midoobay ee New York uu ka dhacayo shir looga hadlayo cimilada oo ay ka qeyb galayaan madaxda ilaa iyo 60 wadan oo caalamka, khubaro dhinaca seyniska ah iyo hey’addaha u dooda deegaanka.

Somaliland waxay ka mid tahay meelaha laga dareemay isbeddelka cimilada, waxaana ka da’ay roobab mahiigaan ah, oo daadad ku soo rogay magaalada Hargeysa, waxaana xaaluf iyo nabaad guur uu ku dhacay dhul balaaran.

Wariyaha VOA-da Cabdixaafid Cawil Ismaaciil ayaa khadka taleefanka kula xiriiray Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer Guuraaga ee, Marwo Shukri Xaaji Imaaciil Bandare, wuxuuna ugu horeyn weydiiyay, xiriirka dhaxeeya isbedelka cimilada iyo xaalufka ka jira Somaliland.

Wareysi: Somaliland iyo walaaca isbeddelka cimilada
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:16 0:00


XS
SM
MD
LG