Danjiraha cusub ee Soomaaliya ee fadhigiisu yahay magaalada Washington, DC ee dalka Maraykanka, Cali Shariif Axmed ayaa toddobaadkan Aqalka Cad waraaqihii aqoonsiga u gudbiyay madaxweynaha Maryakanka Donald Trump.
Danjire Cali Shariif ayaa noqonaya danjirihii saddexaad ee Soomaaliya ee Washington laga soo bilaabo 2014-kii. Cali Shariif ayaa ka hor inta aan xilkan loo soo magacaabin wuxuu soo noqday safiirka Soomaaliya ee Ethiopia iyo Faransiiska.
Haddaba Falastiin Axmed Iimaan ayaa khadka Skype-ka kula xiriiray safiirka cusub Cali Shariif, waxayna weydiisay kulankii isaga iyo madaxweyne Trump.
Facebook Forum