Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo warqadaha ka gudoomay danjiraha Somalia


Danjiraha cusub ee Soomaaliya ee Washington Cali Shariif Axmed ayaa warqadihii aqoonsiga shalay u gudbiyay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Danjire Cali Shariif ayaa noqonaya safiirkii saddexaad ee Soomaaliya u soo magacowdo Washington tan iyo sanadkii 2014-kii.

Danjire Shariif ayaa beddelaya Axmed Ciise Cawad oo ahaa danjiraha Somalia ee dalka Maraykanka laga soo bilaabay 17-kii September ee sanadkii 2015-kii ilaa looga magacaabay xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia bishii January ee sanadkii 2018-kii.

Danjire Cali Shariif ayaa horey u soo noqday safiirka Soomaaliya ee dalalka Ethiopia iyo France.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG