Naadiga wax akhriska iyo qoraalka ee Halkaraan waxa uu ku yaalaa magaalada Burco ee Gobolka Togdhee.
Waa ururka keliye ee qoraalka kuna yaalla magaaladaasi, sida uu VOA u sheegay gudoomiyaha Naadiga Halkaraan Sakariye Maxamed Fooxaali.
Sakariye ayaa Cabdixafiid Ismaaciil uga waramay waxa uu ururku qabto iyo dhibaatooyin ay urur ahaan ka cabanayaan oo dhaqaaluhu kow ka yahay.