Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weeraro ka Dhacay Labada Shabeelle oo ay Dad ku Dhinteen


Ilaa 17 qof ayaa ku dhintay weerarro kala duwna oo shalay iyo maanta ka dhacay Gobollada Shabeellada Hoose iyo Shabeellada Dhexe.
Mas’uuliyiinta magaalada Qoryooley ayaa VOA u sheegay in weerar ay shalay Al-Shabab kusoo qaadeen magaalada ay ku dhinteen 9 qof.
Guddoomiyaha degmada Sayid Cali Ibrahaim ayaa VOA u sheegay in dhimashadu ay ka dhalatay baasuuke ay soo rideen Al-Shabab.
Waxaa kale oo soo baxaya warar sheegaya in madaafiic ay rideen ciidamada AMISOM ay kudhinteen dad rayid ah magaalada Qoryooley, hase yeeshee Guddoomiyaha Gobolkaaas Ibraahim Aadan Najax ayaa VOA u sheegay inay baadhayaan eedahaas. AMISOM kama jawaabin eedahaas inkastoo ay VOA la xiriirtay.
Isla maanta ayaa Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose Ibraahim Aadan Najax kolonyo uu la socday lala beegsaday qarax, waxaana warar dhinaca amniga ah sheegayaan inay ku dhinteen laba ilaalo ah, afar kalena ay ku dhaawacmeen. Guddoomiyaha ayaa qirtay inay afar qof ka dhaawacmeen.
Isla Gobolkaas, laba qof oo rayid ah ayaa ku dhimatay magaalada Marka kadib markii Al-Shabab ay hoobiyayaal ku weerareen magaalada, xilli uu booqanayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre shalay. Ra’iisul Wasaaraha ayaa isagoo nabad qaba kusoo laabtay magaalada Muqdishu.
Isla shalay ayaa Al-Shabab ay weerar ku qaadeen baabuur ay la socdeen mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe, waxaana ku geeriyooday afar qof oo uu ku jiro wasiir ku xigeen hore iyo ku xigeenkii madaxa maaliyadda ee gobolka.
Al-Shabaab ayaa, dhinaca kale, sheegtay inay shalay weerar kedis ah ku qaadeen ciidamo ka socda dalka Burundi ayna askar ka tirsan AMISOM dileen, hase yeeshee AMISOM oo ay la xiriirtay VOAdu ayaan weli ka jawaabin eedahaas.

Dhageyso Weerarka Qoryooley
please wait

No media source currently available

0:00 0:08:54 0:00


XS
SM
MD
LG