Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gudoomiye ku xigeenkii Shabeelaha Dhexe oo la dilay


Cabdullaahi Shitaawe
Cabdullaahi Shitaawe

Gudoomiye ku xigeenkii gobolka Shabeekaha Dhexe iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Hirshabelle ayaa ku dhintay, qarax miino oo maanta lala eegtay kolonyo baabuur ah oo marayay meel u dhaw magaalada Balcad.

Qaraxa ayaa ka dhacay jidka Laamiga ah ee isku xira Balcad iyo Jowhar, gaar ahaan meel aad ugu dhaw deegaanka Gololeey ee duleedka magaalada Balcad, sida ay VOA-da u xaqiijiyeen dad goob joog ahaa.

Dadka ku dhintay weerarkaas ayaa gaaraya 4 qof, waxaana ka mid ah Cabdullaahi Shitaawe Sabriye oo ahaa gudoomiye ku xigeenka gobolka Shabeelaha Dhexe, wasiirkii hore ee ganacsiga maamulka Hirshabelle, Sabriye Cisman iyo Xasan Baldoos oo ka mid ahaa ganacsatada ugu caansan magaalada Balcad.

Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi, mana ahan marki ugu horreysay oo ay qarax ku dilaan saraakiil ka tirsan maamulka Hirshabelle iyo kan gobolka Shabeelaha Dhexe.

XS
SM
MD
LG