Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kalluumeysato lagu la'yahay xebaha Puntland


Shan nin oo ka tirsan kalluumeysatada Puntland ayaa lagu la'yahay xeebaha baddaha deegaaamada Puntland mudo 4 maamlood ah, waxaana xaalad kalluumeysatadaas ka waramay wasiirka wasaaradda kallumeysiga Puntland Faarax Maxamuud Cawaash.

Wasiirka ayaa sheegay inay dhowr doon u direen si ay usoo helaan kalluumeysatada la la’yahay, balse waxa uu sheegay inaysan kusoo guuleysan.

Faarax Maxamuud Cawaash ayaa sidoo kale sheegay inay la xiriireen ciidamada caalamiga ah ee ilaaliyaha xeebaha Soomaaliya, kana codsadeen inay gacan ka gaystaan soo helistan dadkan.

Faadumo Yaasiin Jaamac ayaa warkan kasoo dirtay magaalada Boosaaso.

Kalluumeysato lagu la'yahay xebaha Puntland
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:15 0:00


XS
SM
MD
LG