Qarax baabuur oo lala beegsaday sarkaal ka tirsan ciidamada Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay degmada Xamar Jabab ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa ka dhashay miino baabuurka lagu xiray, waxaana ku dhaawacmay sarkaalka, oo wararku ay sheegayaan inuu ahaa Jeneral boolis oo lagu magacaabo Maxamed Dhoore.
Qaraxa ayaa sidoo kale dhaliyey dab waxyeelo gaarsiiyey kaalin shidaal oo baabuurka uu yaallay, halkaasi oo Jeneral-ka uu shidaal ka qaadanayey.
Jeneral Maxamed Dhoore ayaa la sheegay in booliska Soomaaliya u qaabilsanaa ururka booliska caalamiga ah ee Interpol.
Dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin qaraxa.
Warbixintan waxaa Muqdisho kasoo diray Xasan Kaafi Qoyste.
Facebook Forum