Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya oo codsatay in dib loo dhigo dacwada kiiska badda


Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Kenya ayaa qoray in dowladda Kenya ay si rasmi ah u dalbatay in la hakiyo dhageysiga kiiska dacwadda badda ee kala dhaxeya Soomaaliya, kaasi oo la qorsheeyey in la dhageysto Isniinta soo sococta.

Kenya ayaa codsigeeda qiil uga dhigtay inay dooneyso in la siiyo waqti ay ku qoroto qareeno cusub.

Dhinaca kale, warar diblomaasiyeed oo ay heshay VOA ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay diiday in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda.

Dhageysiga dacwada ayaa waxaa qorshuhu yahay inay dhacdo 9-ka illaa 13-ka bishan oo ku beegan Isniin illaa Jimce.

XS
SM
MD
LG