Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xubin ka tirsan Al-Shabaab oo duqeyn lagu dilay


Hawlgalka miltariga ee ciidamada Maraykanka ee Afrika ayaa sheegay inay duqayn ka gaysteen nawaaxiga Jilib maanta oo taariikhdu tahay September 3.

Bayaan kasoo baxay howlgalkan oo loo yaqaan AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntaas lagu dilay qof ka tirsan maleeshiyada Al-Shabab.

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa sidoo kale lagu sheegay in Marayanku qiimeeyey inaan dad rayid ah waxba ku noqonin duqayntaas.

Maraykanku ma sheegin magaca qofka la bartilmaameedsaday ee lagu dilay weerarkaas.

Duqeyntan iyo duqeymaha kale ee Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya ayaa AFRICOM sheegtay in lagu caawinayo dowladda Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG