Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Amnesty oo soo dhoweysay xariga Cabdirashiid Janan


Amnesty International

Hay’adda Xuquuqda aadamaha ee Amnesty International ayaa ku tilmaantay xadhiga wasiirkii amniga ee Jubbaland Cabdirashiid Janan tallaabo wanaagsan oo loo qaaday dhinaca la xisaabtanka dadka gaystay dambiyada ka dhanka ah xuquuqda aadamaha.

War-saxaafadeed ka soo baxay Amnesty ayaa lagu sheegay Cabdirashiid Xasan Cabdinuur oo loo yaqaano Cabdirashiid Janan loo haysto dambiyo ka dhan ah bini’aadmanimada, iyo in uu kaalmada iyo muwacaanada samaflka ah is-hortaagay.

Agaasimaha ku xigeenka xafiiska Afrikada Bari iyo haraha waawayn ee Amnesty, Seif Magango ayaa sheegay In guddiga qaramada u qaabilsan dabagalka cunaqabataynta hubka ee Eritrea iyo Somalia warbixin ay soo saareen ku sheegeen in Cabdirashiid Janan ku eedaysan yahay falal dhacay intii u dhaxaysay 2014 ilaa 2015 kuwaasi oo sida warbixintu sheegtay isugu jiray, dil, jidh-dil, iyo xarig sharci darro ah.

Amnesty ayaa ku baaqday in maxkamad la soo taago laguna xukumo sida ay dhigayaan sharciyada caalamiga ah. Cabdirashid Janan ayaa sabtii lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho iyada oo taliye ku xigeenka booliska Soomaaliya Zakiya Xuseen ay xaqiijisay xadhiga sarkaalkaasi.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG