Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wasiirka Amniga Jubbaland oo Muqdisho ku Xiran


Booliiska Soomaaliya ayaa xaqiijiyey inay xireen wasiirkii amniga ee Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur "Janan".

Qoraal ay barteeda twitterka soo dhigtay Jeneraal Zakiya Xuseen oo ah ku xigeenka Taliyaha Booliiska ayey ku sheegtay in xiritaanka uu shalay dhacay, isla markaana uu Cabdirashiid Janan ku eedaysan yahay "dambiyo culus" sida ay hadalka u dhigtay, booliiskuna ay baarayaan.

Wasiirka amniga ee Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa la sheegay in shalay diyaarad sidday ay timid garoonka diyaaradaha Muqdishu, kadibna ay ciidamada amnigu su'aalo weydiiyeen.

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:37 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG