Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hay'ado ka digay qorshaha Kenya ee qaraarka 1267


Dowladda Kenya ayaa ku boorineysa Qaramada Midoobay in Al-Shabaab ay ku darto liiskeeda argagixisada, gaar ahaan kan ay ku jiraan Al-Qaacidda iyo ISIS.

Liiskan ayaan waxaa lagu ansixiyey qaraarkii QM ee 1267, kaasi oo la meel-mariyey sanaddii 1999-kii.

Si kastaba deeq bixiyeyaasha caalamiga ah iyo dadka u doodda xuquuqda aadanaha ayaa qaba in talaabadan ay horseedi karto karto malaayiin qof oo ku nool Soomaaliya oo ay abaaro ku soo noqnoqdaan, inay gargaar la’aan ku dhacdo.

Haddii uu meel-maro qorshaha Kenya, qaraarka 1267 ayaa hay’adaha caalamiga ah u diidaya inay gargaar geeyaan deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab.

Maxamed Colaad Xassan ayaa warbixintan diyaariyay.

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:04 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG