Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad Itoobiyaan ah oo lagu dilay duleedka Hargeysa


Hargeysa
Hargeysa

Laba qof oo Ethiopian ah ayaa dhintay ka dib markii ay rag hubaysani shalay rasaas ku fureen gaadhi ay saaraayeen tahriibayaal u dhashay dalka Ethiopia, meel dibedda ka ah magaalada Hargeysa.

Labada qof ee la dilay ayaa la sheegay inay ahaayeen haween. Laba qof oo kale ayaa sidoo kale lagu dhaawacay falkan, sida ay sheegeen ciidamada amniga.

Ciidamada booliisku waxay sidoo kale sheegeen inay qabteen raggii falkaasi gaystay, oo gacanta lagu hayo.

Warkan waxa Hargeysa ka soo diray Khadar Maxed Cakule.

Itoobiyaan lagu dilay duleedka Hargeysa
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:16 0:00

XS
SM
MD
LG