Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cumar Filish oo loo magacaabay guddoomiyaha gobolka Banaadir


Xarunta Gobolka Banaadir
Xarunta Gobolka Banaadir

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) u magacaabay inuu noqdo guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho, sida ku cad qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Cumar Filish oo horey u ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ayaa beddel u magacaabay Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yarisow) oo 1-dii August u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qarax ka dhacay xarunta gooblka Banaadir, 24-kii July.

"Anigoo xeerinaya baahida loo qabo in guddoomiye uu yeesho Maamulka Gobolka Banaadir, si loo sii amba qaado qorsheyaashii horumarineed ee socday, sidoo kalena tixgelinaya soo jeedinta kala duwan iyo waayo-aragnimada uu Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) uu u leeyahay gudashada waajibadka xilkan ayaan ugu magacaabay." ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ayaa ku dhaqan galay saxiixa Madaxweynaha ee maanta oo ay taariikhduna ku beegan tahay Khamiis, 22-ka Ogoosto, 2019.

XS
SM
MD
LG