Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jubaland oo xirtay xuduudaha Kismaayo


Jubaland
Jubaland

Maamulka Jubaland ayaa sheegay in la xiray xuduudaha magaalada Kismaayo ee dhulka, cirka iyo badda, laga billaabo caawa 6-da maqribnimo illaa 23-ka bishan, oo ah maalin kadib doorashada madaxweynaha Jubaland.

Go’aankan ayaa lagu sheegay warqad caawa kasoo baxday guddiga amniga dowlad goboleedka Jubaland.

Go’aankan ayaa sidoo kale lagu sheegay in la joojiyey dhammaan dhaqdhaqaaqyada ciidan ee magaalada Kismaayo iyo hareeraheeda ee maalinta doorashada oo ku aadan 22-ka August.

Go’aanka ayaa ugu dambeyn faray hay’adaha amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland, ciidamadda AMISOM, maamuladda garoonka diyaaradaha Kismaayo, dekadda Kismaayo iyo baraha kantarooladda laga soo galo magaaladda Kismaayo inay xaqiijiyaan meel maridda go’aankaan.

Warqadda kasoo baxday Jubaland
Warqadda kasoo baxday Jubaland

XS
SM
MD
LG