Hawlgalka milatariga ee Maraykanka ee qaaradda Afrika ayaa sheegay in duqayn cusub oo ka dhacday Soomaaliya lagu dilay xubin ka tirsan Al-Shabaab.
Taliska Maraykanka ee loo yaqaan AFRICOM waxay ku sheegeen war-saxaafadeed ay soo saareen in duqayntan ay ka gaysteen nawaaxiga Kuunyo Barrow oo ka tirsan Shabeellada Hoose, maanta oo Talaada ah, laguna dilay xubin ka tirsan Al-Shabaab.
AFRICOM ma sheegin magaca xubinta la dilay, waxayse war-saxaafadeedka ku sheegeen inaan dad rayid ah waxba ku noqonin duqayntaasi.
Maraykanka ayaa sheegay in duqayntan wada shaqayn lagala sameeyey dawladda federaalka ee Soomaaliya.