Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Doorashooyin Iska soo horjeeda oo Kismaayo ka Dhacay


Kismayo
Kismayo

Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo ahaa gudoomiyihii baarlamaanka maamul goboleedka Jubaland ayaa maanta mar kale loo doortay inuu sii hogaamiyo baarlamaanka, kaddib doorasho maanta ka dhacday magaalada Kismaayo.

Doorasho uu qabanqaabiyay maamulka ayuu gudoomiyaha baarlamaanka labaad ee Jubbaland guusha ku helay codad dhan 55 cod.

Doorashadi maanta ka dhacday Kismaayo ayaa waxaa sidoo kale lagu doortay laba gudoomiye ku xigeen. Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ayaa waxaa loo doortay Xildhibaan Aadan Khaliif, oo helay 72 cod, halka gudoomiye ku xigeenka labaad loo doortay Cabdi Baaleey Xuseen oo helay 73 ka mid ah codadkii la dhiibtay. Cabdi Baaley ayaaney cidina la tartamin kaddib marki murashixii la baratami lahaa uu tanasulay.

Ciidamada AMISOM ayaa sugayay amaanka goobta ay doorashdu ka dhaceysay, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Doorashada madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland ayaa lagu wadaa in ay dhacdo Khamiista soo socota.

Dhinaca kale, doorasho kale oo ka dhacday Kismaayo ayay xubnaha mucaaradka ee dhawaan sameystay baarlaman midkan ka soo horjeeda waxay iyana ku doorteen gudoon baarlaman.

XS
SM
MD
LG