Duqa magaalada London, Sadiq Khan ayaa la kulmay qurba joogta Soomaalida ee ku nool magaalada London isla markaasna waxaa uu ka hadlay doorka bulshada Soomaalida ay ku leeyihiin horumarka dalkaas.
Sadiq Khan ayaa dhinaca kale uga tacsiyeeyay Soomaalida geeridiii Allaha u naxariistee duqii Muqdisho, Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cismaan oo oo 1-dii bishan u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qarax ka dhacay dhismaha maamulka Gobolka Banaadir.
Wariyaha VOA-da Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa warbixintan London nooga soo diray.