Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wafdi ka socda beesha caalamka oo Kismaayo tagay


Axmed Madoobe iyo beesha caalamka
Axmed Madoobe iyo beesha caalamka

Wafdi uu hogaaminayay wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan ayaa maanta tagay magaalada Kismaayo.

Wafdigan oo ay wehliyeen xubno uu ka mid ahaa wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Francisco Madeira iyo diblomaasiyiin kale ayaa kulamo la yeeshay madaxda Jubaland.

Magaalada Ksimaayo ayaa waxaa ka socota qabanqaabada doorashada Madaxweynaha Jubbaland oo lagu wado inay halkaasi ka dhacdo 19-ka bishan oo ku beegan isniinta soo socota.

Wariyaha VOA-da Khadar Maxamuud Xareed ayaa warbixintan ka soo diray magaalada Nairobi.

Wafdi ka socda beesha caalamka oo Kismaayo tagay
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:17 0:00

XS
SM
MD
LG