Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaraxyo iyo dagaal ka dhacay Awdheegle


Ciidamo ku sugan Awdheegle
Ciidamo ku sugan Awdheegle

Wararka ka imanaya Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in laba qarax lala beegsaday ciidamada dawladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Awdheegle.

Qaraxyadan ayaa loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, waxaana lala beegsaday kontoroollada ciidanka ee Awdheegle.

Qarxyadaasi kadib ayaa la sheegay in dagaal culus uu dhexmaray ciidamada dawladda iyo kuwa maleeshiyada Al-Shabaab.

Wararku waxay sheegayaan inay jiraan dhimasho iyo dhaawac. Warar hordhac ah oo VOA heshay ayaa sheegaya in ugu yaraan lix ka tirsan ciidamada dawladda ay ku dhinteen weerarkaas, 13 kalena ay ku dhaawacmeen.

Saraakiil gobolka ah ayaa VOA u sheegay in magaalada Awdheegle ay gacanta ku hayaan ciidamada dawladda.

Haaruun Macruuf ayaa dagaalkan ka waraystay Taliyaha Cidiamada dhulka Soomaaliya, Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage.

Qaraxyo iyo dagaal ka dhacay Awdheegle
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:44 0:00

XS
SM
MD
LG