Magaalada Boorama ee gobolka Awdal waxaa ka jira ganacsi xagga Online-ka ah oo uu dhowaan magaaladaasi ka hirgaliyay Maxamed Cabdi Muuse oo ah wiil dhallinyaro ah oo daggan magaalada.
Ganacsigan ee uu Maxamed hirgaliyay ayaa waxa uu suurto geliyay in dadka daggan magaalada Boorama ay iibsadaan badeecado kala duwan oo lagu soo bandhigo suuqyada ganacsiga ee caalamka.
Waraysigan oo aan ku aaddinay maalinta caalamka u dabbaaldegayo dhallinyarada ayaa sida ay howshani ugu dhalatay, qaabka uu u shaqeeyo, iyo muddada ay dadka ku helaan badeecadaha ay ka dalbadaan caalamka ay Caasho Ibrahim ay ka wareystay Maxamed Cabdi Muuse oo jooga magaalada Boorama ee gobolka Awdal.