Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Somalia oo walaac ka muujisay doorashada Jubaland


Sabriye
Sabriye

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay walaac ka qabto hanaanka doorashada lagu wado inay dhawaan ka dhacdo Jubbaland.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka ayaa lagu sheegay inay Jubaland ka soo gaarayaan cabashooyin, beelaha, siyaasiyiinta, murashixiinta iyo shacabka Jubbaland ay ka qabaan hanaanka lagu soo xulay odayaasha, qaabka loo keenayo xildhibaanada iyo sida lagu maamulayo doorashada.

Dowadda ayaa ka dalbatay maamulka Jubbaland in liiska odayaasha dhaqanka ee xildhibaanada soo xulaya la waafajiyo diwaanka dhaqanka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Federaalka.

Waxaa kaloo ay ka dalbatay in marka hore la dhameystiro soo xulista xubnaha Golaha Wakiilada Baarlamanka Jubbaland, ka dibna baarlamanka cusubi iska dhex doorto, guddiga doorashooyinka Gudoonka Golaha, iyo Madaxweynaha, iyo in dorashadu ku dhacdo hanaan daah furan oo xor iyo xalaal ah.

Dowladdu waxey sheegtay in natiijo kasta oo ka soo baxda doorashadaasi aan la aqoonsan doonin, haddii sida hadalka loo dhigay, aysan marin habraac doorashada ee dowladda federaalka.

Arrintan ayaa sii xoojineysa khilaafka ka taagan hannaanka doorasho ee Jubbaland, iyadoo horay dowladda Federalka uga soo horjeesatay qaabka wax u socdaan, Qaramada Midoobay, Midowga Africa iyo Maamul Goboleedka IGAD-na ay dalbadeen in doorashadu ay noqoto mid madax banaan oo dadka tartamayaa ay helaan xoriyad.

XS
SM
MD
LG