Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa howgallo ka wada deegaano iyo tuulooyin ku xeeran degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo ay dhawaan ka saareen maleeshiyada ururka Al-Shabaab.
Xalay ayaa maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisimaha ciidamada ee Awdheegle.
Saraakiisha ciisamada ee dowladda ayaa sheegtay in ugu yaraan 10 ka tirsan maleesiyada Al-Shabab ay dileen intii ay howlgalladan socdeen, oo afar ka mid ah ay ku dileen dagaalkii xalay.
Maxamed Colaad Xassan ayaa khadka taleefanka ee Awdhegele kula xiriiray, taliyaha ciidmada dhulka ee dowladda Soomaaliya general Odowaa Yuusuf Raage.
Facebook Forum