Isku xirrada

War Deg-Deg ah

CIidamada dowladda oo qabsaday Awdheegle


Ciidamada
Ciidamada

Wararka ka imanaya Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dawladda Soomaaliya ay maanta galeen degmada Awdheegle ee Gobolkaasi.

Mas'uul ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose ayaa VOA u sheegay in ciidamada dawladda ay gacanta ku dhigeen magaalada ayna halkaasi ka saareen maleeshiyadii ururka Al-Shabaab.

Magaalada Awdheegle ayaa gacan ku haynteedu is-bed-beddeshay sannadihii lasoo dhaafay.

Ciidamada dawladda ayaa horey usoo qabsaday magaalooyinka Bariire, Sabiid iyo Caanoole oo dhammaantood ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose.

Hawlgalkan ayaa Haaruun Macruuf waxa uu ka waraystay Guddoomiyaha Shabeellada Hoose Ibraahim Aadan Cali “Najax” oo ku sugan gobolka.

Ciidamada dowladda oo qabsaday Awdheegle
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:39 0:00

XS
SM
MD
LG