Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Somalia oo toogasho ku fulisay laba Shabaab ah


Eedeysanayaasha la toogtay
Eedeysanayaasha la toogtay

Dawladda Soomaaliya ayaa laba nin ku toogatay maanta magaalada Muqdisho.

Labadaasi nin ayaa lagu helay inay ka tirsanaayeen maleeshiyada ururka Al-Shabaab, islamarkaana ay ku lug lahaayeen weerarro iskugu jira qaraxyo iyo khaarajin oo lala beegsaday muwaadiiniin iyo hay’ado Soomaaliyeed.

Canshuur Cusmaan Abuukar oo 23 jir ahaa iyo Maxamed Cali Boorow oo 25 jir ahaa lagu toogtay dugsiga booliiska.

Labadaasi nin ayaa maxkamaddu sheegtay inay ku lug lahaayeen weerarro ay ka mid ahaayeen kuwo lagu dilay Xoghayihii ururka haweenka Canab Cabdullaahi Xaashi iyo weerarkii uu ku dhintay weriye Cawil Daahir Salaad.

Labada nin ayaa hore ugu guuldarraystay racfaan ay ka qaateen xukunka dilka ah oo lagu xukumay horraantii sannadkan.

Xasan Kaafi Qoyste ayaa warbixintan kasoo diray Muqdisho.

Xubno Shabaab ahaa oo lagu toogtay Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:44 0:00

XS
SM
MD
LG